23 qof oo lagu soo qabtay isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha ayaa lagu xiray Boosaaso

Bosaso, May 07 – Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa howlgallo balaaran oo ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso waxaa ay kusoo qabqabteen 23-qof oo isugu jiray dad ka gansacasanayay maandooriyaha xaashiishadda iyo dad loo haysto inay isticmaalayeen.

Wasiir kuxigeenka amniga Cabdijimaal Cismaan iyo taliye kuxigeenka ciidamada booliska Muxidiin Axmed Muuse ayaa shir saxaafadeed ay siwadajir ah maanta ugu yeesheen saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso waxaa ay uga warbixiyeen saxafadda howlgalkan ay ciidanku sameeyeen.

Taliye kuxigeenka booliska Muxidiin Axmed Muuse ayaa shir saxaafadeedka ugu horayntii ka hadlay, waxaana uu sheegay howlgaladaan inay ciidanku ka fuliyeen xaafadaha Suweyto iyo Carab oo dhanka xeebta ah uga beegan magaalada Boosaaso.

Waxaa sidoo kale uu tilmaamay, howlgaladaan inay sii wadayaan ciidamada ayna la dagaalamayaan maandooriyeyaasha khamriga iyo xashiishadda.

Wasiir kuxigeenka amniga Cabdijimaal Cismaan Maxamed ayaa isaguna u sheegay saxaafadda howlgalkan inuu qayb ka yahay qorshaha lagu sugayo amaanka, isagoona intaasi raaciyay maandooriyaha inuu ka qaybqaato amaan darrida.

Dadka loo soo qabqabtay ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa isugu jiray rag iyo dumar, masuuliyiinta ayaa sheegay inay maxkamad horkeynayaan si loogu qaado falka lagu soo qabtay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com