200 oo Qof oo la sheegay inay ku geeriyoodeen duufaano ku dhuftay dalka Filibiin

200 oo Qof oo la sheegay inay ku geeriyoodeen duufaano ku dhuftay dalka Filibiin

Ku dhowaad laba boqol oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen, boqolaal kalena lagu la’ yahay koonfurta dalka Filibiin, kadib duufaanta Tembin oo ku dhufatay jaziiradda labaad ee ugu wayn dalkaasi ee Mindanao.

Dadaalo xoog leh oo lagu samiti bixinayo dad ku hoos jira guryaha soo dumay ayaa ka socda gobolka tan iyo Jimcihii.

“Waxaa aan wali ku baadi goobaynaa cagaheena ” ayuu yiri Richard Gordon oo ah madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Filibiin.

Waxaa uu intaasi ku daray inay wal isku dayayaan badbaadinta dad badan oo khatar ku jira, waxaana xanibay gurmadka dhooqo iyo biyo xoogan oo jaziiradda kasoo baxsanaysa.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah gobolka  waxyeelada ugu badan ay ka gaysatay duufaanta iyo dabaylaha ee Lanao del Norte.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com