2 qarax oo ka dhacay xaafada Wardhiiglay, Muqdisho; 2 qof oo ku dhintay, 7 dhaawac ah.

Moqdisho, Feb, 27 – Inta la hubo 2 qof ayaa geer-yootay 7 kalena waa ay dhaawac-meen kaddib markii 2 qarax ay ka dhaceen galabtay saldhiga ciidanka degmada Wardhiiglay iyo garoonka kubbada cagta ee degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya qaraxyadu 1 waqti inay wadaqarxeen.

Guddoomiyaha degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir Deeqo C/qaadir Axmed oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegtay in qaraxa ka dhacay saldhiga uu ahaa mid ciidanku ay kasoo saareen tarabuunka garoonka, dabeedna uu ku qarxay ciidanka markii ay la tageen saldhiga degmadaasi, halka qaraxa kalena uu ahaa mid kusoo aaday xilli ay bilaabanaysay ciyaar kama dambays ahayd oo ka dhacaysay garoonka degmada Wardhiglay.

Guddoomiye Deeqo ayaa sheegtay in xilligaan ay degmada ka socdaan baaritaanno xoogan, dadkii ku wax-yeeloobayna lagu daawaynayo isbitalka Banaadir ee Moqdisho, waxaase guddoomiye Deeqo ay baaq u jeedisay dhalinyarada isboortiga gobolka Banaadir inaysan cabsi iyo wal-wal darteed u joojin ciyaaraha isdhex-galka bulshada iyo hormarka degmooyinka hawlahoodana ay sii wataan.

Maxamed C/llaahi Cali
?Kooshin? D.Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com