18 Qof oo lagu dilay gudaha xabsi kuyaala dalka Honduras

18 Qof oo lagu dilay gudaha xabsi kuyaala dalka Honduras

Ugu yaraan 18 qof ayaa la dilay halka la dhaawacay 16 qof oo kale , kadib markii uu dagaal ka dhacay gudaha xabsi ku yaala dalka Honduras

Dagaalka ayaa u dhexeeyey maxaabista ku xiran xabsi ku yaaala magaalada Tela, ee Waqooyiga Honduras

Maxaabiista ayaa isku adeegsaday Mindi iyo Hub, waxa uuna dagaalka dhexmaray xili habeen ah, 16 qof waxa ay ku dhinteen xabsiga gudahiisa, halka qofka kale uu ku dhintay isbitaalka

Xabsiga dagaalka ka dhacay ayaa caasimadda dalka Honduras ee Tegucigalpa, uu jira 200 kilometres (120 miles

Maxaabiista ku xiran xabsiga uu dagaalka ka dhacay ayaa lagu soo xiray ka ganacsiga daroogada iyo dil.

Madaxweynaha dalka Honduras ee Juan Orlando ayaa amar ku bixiyey 17 xabsi in la geeyo Militariga dalka, si amniga loo sugo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com