18 kun oo arday oo u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

18 kun oo arday oo u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

18,550 Arday ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee degaanada Puntland, kaas oo uu daah-furay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in 12,610 arday ay u fariisteen imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, halka 5,940 arday ay u fariisteen imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga Sare.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay ardayda inay u muujiyaan dadaal badan, isagoo alle uga baryay in uu imtixaanka u fududeeyo.

“Waxaan halkan maanta duco iyo hambalyo uga dirayaa Ardayda Fasalka 4-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe oo maanta u fadhiisanayaa Imtixaanka Alle Subxaanahu Watacaalaa ha idinku guuleeyo.Waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan bahda Wasaarada Waxbarashada Puntland oo runtii marwalba heegan u ah inay horumariyaan waxbarashada iyo manaahiijta Puntland, Anigoo og in duruufo badan ay jiraan hadana marwalba heegan ugu jira sidii waxbarashadeenu u sugnaan lahayd” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Dowladda way ka go’antahay inaan muhiimad gaar ah siino waxbarashada, dal walba oo dunida ah horumarkiisu wuxuu ku xidhan yahay heerka aqoonta ee dadka ku nool,Hawl-wadeenada iyo masuuliyiinta Imtixaanka waxaan farayaa inay masuuliyad weyn iska saaraan Illaalinta iyo kormeerkaba”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com