157 qof oo ku dhintay Diyaarad Ethiopian Airlines ee burburtay

Ugu yaraan 157 qof iyo 8 qof oo shaqaale ah ayaa ku dhimatay diyaarad ay lahayd shirkada Itoobiya Airlines oo hawada ku bur burtay xili ay ku siijeeday magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya .

Diyaaradan ayaa nooceeda waxa uu ahaa Boeing 737,waxayna ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis-Ababa.

Lama oga waxa ilaa iyo haatan sababay shilkan ay ku dhinteen dadkii saarnaa diyaaradan.

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in diyaaradaasi ay bur burtay lixdaqiio kadib markii ay ka duushay Addis-Ababa.

Waxaa la aminsanyahay in diyaaradan ay saarnaayeen rakaab Soomaali ah oo usocda magaalada Nayroobi


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com