15-Qof oo ku geeriyooday Kenya, 70-na waa dhaawac

HomeWararka

15-Qof oo ku geeriyooday Kenya, 70-na waa dhaawac

Telefishinka NTV ayaa goor dhow shaaciyey inay ugu yaraan 15 qof ku geeriyootay dabkii ka kacay Suuqa Gikomba ee magaalladda Nairobi. Wargeyska kal

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Magacaabista Golaha Wasiirada Puntland oo heer gabagabo ah
Dowladda Soomaaliya oo digniin xoogan u dirtay Maamulka Somaliland

Telefishinka NTV ayaa goor dhow shaaciyey inay ugu yaraan 15 qof ku geeriyootay dabkii ka kacay Suuqa Gikomba ee magaalladda Nairobi.

Wargeyska kale ee Business Daily waxa uu qoray inay 15 qof geeriyootay, 70 kalena ku dhaawacmeen dabkaasi..

Wargeyska kale ee Nation waxa uu ka soo xigtay Goobjoogayaal in ugu yaraan 6 mayd la aqoonsan kari waayey, kadib, markii ay wada gubteen.

Idaacadda Dowladda KBC waxay werisay dhimashada ugu yaraan 15 iyo dhaawaca 70 kale  oo u badnaa Ganacsato, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Dowladda ee Kenyatta Hospital.

Weli lama caddaynin waxa sababay dabkaasi iyo inta uu la eg yahay hantida ku bas beeshay.

Suuqa Gikomba oo lagu iibiyo dharka Mustacmalka waxa dhowr jeer ka kacay dab sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: