130 ruux oo dooni kula dagtay xeebaha dalka Jabuuti

HomeWararka

130 ruux oo dooni kula dagtay xeebaha dalka Jabuuti

Shan ruux ayaa ku geeriyootay inkabadan 130 kalana waa lagu la’ yahay xeebta dalka Jabuuti kadib markii labo doon oo ay saarnaayeen ay degeen maanta.S

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweynaha Congo ka codsaday in uu Mucaaraadka la heshiisiiyo
TARTAN IYO TACLIIN| Habeenkii 8aad iyo Dugsiyada isku arkay
Garoowe oo Shir Uga Furmay Madasha Isxilqaan iyo Isimadda Puntland (Daawo)

Shan ruux ayaa ku geeriyootay inkabadan 130 kalana waa lagu la’ yahay xeebta dalka Jabuuti kadib markii labo doon oo ay saarnaayeen ay degeen maanta.Shilkan ayaa dhacay 30 daqiiqo kadib markii labo doon oo dad badan oo tahriibayaal ah ay saarnaayeen ay ka shiraacdeen Godoria oo ku taal xeebta Waqooyi Bari dalka Jabuuti.

Sida laga soo xigtey hay’ada IOM labo ruux oo ka soo badbaaday shilkan ayaa ciidamada dalka Jabuuti ka soo heleen xeebta, sidoo kale waxaa la helay meydadka illaa shan ruux oo saddex kamid ah ay ahaayeen dumar kuwaasoo baddu ay soo tuftay.

Mid kamid ah dadka ka badbaaday shilkan ayaa sheegay in ugu yaraan 130 ruux ay saarnaayeen doontii uu saarnaa balse uusan garaneyn tirada dadka saarnaa doonta kale ee degtay.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu helo raq iyo ruux dadka tahriibayaasha ah ee ay la degeen labadan doon,waxayna wararku sheegayaan in dadkan ay ku sii jeedeen dalka Yemen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: