11 qof oo u badan Askar oo ku dhintay qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Muqdisho, December 2013 – Xaafada Gubta ee degmada Dayniile ee Muqdisho waxaa goor dhowayd ka dhacay Qarax baaxad leh oo lala eegtay meel ay inta badan fariistaan ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya.

11 ruux ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay maqaayad ku taala xaafada Gubta ee degmada Dayniile ee Muqdisho, halkaas oo ah meel ay inta badan fariistaan ciidamada dowladda ee aaga jooga.

Haweenay lahayd maqaayada, wiilkeedii iyo ninkeedii ayaa sidoo kale ku dhintay Qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Salaad Qooleey oo ka tirsan saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu jiray dadka maanta ku ku dhintay qaraxa.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa, balse warar aan ka helnay goob-joogayaal ayaa sheegaya in weerarka intiisa badan ay ku dhinteen Askarta dowladda ee maqaayada joogay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com