11 ASKARI AYAA KU DHAAWACANTAY GAARI CIIDAN OO KU ROGMADAY MAGAALADA BOSAASO EE XARUNTA GANACSIGA PUNTLAND

11 ASKARI AYAA KU DHAAWACANTAY GAARI CIIDAN OO KU ROGMADAY MAGAALADA BOSAASO EE XARUNTA GANACSIGA PUNTLAND

Inta la xaqiijiyey 11 askari oo ciidamada daraawiishta ah ayaa ku dhaawacmay gaari ciidan oo ku rogmaday magaalada Bossaso.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta ayaa warbaahinta Daljir u xaqiijiyey 11 askari ee dhaawacmay 4 ka mid ah in ay galeen, welina ku jiraan xaalad miyir-doorsoon ah.

Isbitaalka magaalada Bossaso ayaa la geeyey askartaasi dhaawacmay, laguna dabiibayaa hadda.

Askarta ayaa horay isla saaka uga soo tagay fariisin ciidan oo ay ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Bossaso, waxaana ay u yimaadeen Bossaso dhiig u shubidda askari ku dhaawacmay shalay miino la kacday gaari isla ciidankooda ka tirsanaa.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com