Site icon Radio Daljir

100 Qof oo somaali ah oo dalka Maraykanka laga masaafurinayo (Daawo)

Maxamuud Xasan oo ku magac dheer BBC Ahna hogaamiyaha jaaliyadda somaliyeed ee dalka maraykanka, gaar ahaan Minneapolis oo Waraysi gaar ah siyeey Warbaahinta Daljir ayaa ka hadlay celinta 100 qof oo somaali ah oo dalka marayknka ku sugan oo dowladda Maraykanka qorsheynayso in dalkooda dib loogu ceeliyo.

BBC wuxuu sheegay inay walaac ka qabaan celinta somaalidaas oo qaarkood sharci darro ku joogay dalakas,isla markaana qaar kamid ah xabsiyadda ay ka soo baxeen.

Wuxuu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidi dadkaas an dalka somaaliya loogu celin lahayn,maadama sida uu sheegay somaaliya Amni la isku halayn karro uu ka jiro.

Dowladda Somaaliya ayuu ugu baaqay inaysan ogolayn dadkaas somaliyeed ee doonaya nolol wanaagsan inay ku nolaadan in dib logu ceeliyo dalkooda.

Wariye Maxamed Lakiman oo ku sugan Xarunta Daljir ee Bosaaso ayuu u waramay.

Exit mobile version