HomeUncategorized

100-ka mid ah ciidamada AMISOM oo la geeyay Baydhabo

Baydhabo, Apr 06 -Boqol askari oo katirsan ciidamada Uganda iyo Burundi ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka wada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Gaalkacyo nabad la isku hallayn karo ayaa ka jirta, dagaal laga baqaana ma jiro” Garaad Shirwac.
China oo dhisaya Tiyaatarka Qaranka, Stadium Muqdisho Cisbitalka Banaadir iyo jidad kale
Taliyihii hore ee bilayska Puntland Gaashaanle sare Nuur Salaad Muuse oo maanta ku geeriyooday Bossaso.

Baydhabo, Apr 06 -Boqol askari oo katirsan ciidamada Uganda iyo Burundi ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka wada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliye kuxigeenka ciidanka AMISOM Jen. Audace Nduwumunsi ayaa waxaa uu sheegay qorshaha ciidanka la geeyay magaalada Baydhabo inuu yahay sidii amaanka magaalada Baydhabo ugala wareegi lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya oo la filayo dhamaadka bishan April inay ka baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamada dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo isbiirsanaya ayaa 23-kii bishii Febraayo ee sanadkan galay magaalada Baydhabo, kadib markii ururka Al-Shabaab uu faarujiyay fariisimihii ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale balanqaaday inay dhowaan tegi doonaan magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay xiligaan joogaan ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jirta.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: