10 qof oo ku Geeriyooday weerar ka dhacay Nigiria

Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (Daljir) —Ilo wareedyo ka agdhow ciidamada Milatariga wadanka Nigeria ayaa xaqiijiyey in 47 ruux ay ku geeriyoodeen 52 kalena ku dhaawacmeen weerar Ismiidaamin ah oo kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ka fulisay gudaha wadanka Nigeria.

Qaraxu waxa uu ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaala magaalada Sabon Gari oo dhacda koonfurta gobolka Borno saacaddu markii ay ahayd 13:30 wakhtiga dalkaasi Nigeria (12:30 GMT), sida ay ilo sheegeen.  Malayshiyo looga shakisanyahay in ay yihiin Boko Xaraam ayaa gobolkaasi boqolaal ruux ku dilay.

Gobolka Borno ayaa saldhig u ahaa malayshiyaad Islaamiyiin ah, laakiin bilihii u dambeeyay Bookoo Xaraam waxa ay weerarayeen tuulooyin ku yaala waqooyiga Cameroon iyo waliba sidoo kale Chad iyo Niger.

By: Abdirashiid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com