Xildhibaanada Puntland oo ansixiyay guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland

Xildhibaanada Puntland oo ansixiyay guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulankoodii u horeeyay ku yeeshay xarunta baarlamanka tan iyo wixii ka dambeeyay mooshinkii laguriday DhooboDaareed ayna doorteen guddoomiye cusub.

Kulanka maanta waxaa shir Gudoominayay guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyadoo ay soo xaaadireen inta badan Xildhibaanada Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland (TPEC), kuwaasoo ay horyaalaan shaqooyin culus, iyadoo xubnaha Guddiga ay marka hore warbxin ka siiyeen Xildhibaanada shaqada u qabsoontay tan iyo markii la soo dhisay.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa waxaa horyaalla shaqooyin ay kamid yihiin; diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Diiwaanka wararka.
Raadio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com