Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Dowladda Somalia oo Booqday Jubbaland

Somalia, November 24, 2015 (Daljir) —Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Max’ed Aadan Axmed iyo Wafdi Saraakiil uu Hogaaminayay ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba Land iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa salaam sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidankii soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweyn ka dib Taliyaha loo gudbiyay aqalka madaxtooyada maamulka JubbaLand oo uu kulamo kula qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta ciidamada Soomaaliya iyo duruufaha ay qabaan ciidamada maamulka Jubbaland ee dagaalka kula jir ururka Alshabaab ee ka dagaalamaya koonfrta Soomaaliya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com