Madaxweynaha Puntland oo Gudoomiye gobol oo cusub u Magacaabay Bari

Arbaco, May 27, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka Qaaday Maanta Maamulkii Hore ee Gobolka Bari iyo kii Magaalada Boosaaso; Isagoo isla Maanta u Magacaabay Maamul cusub.


Guddoomiyaha cusub ee gobolka Bari waxaa loo soo magcaabay Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Ku-xigeenka koowad waxaa losoo magacaabay Axmed Cali Cabdullaahi halka guddoomiye ku-xigeenka labaadna loosoo magacaabay Axmed Xaji Maxamed. 

Sidoo kale waxaa duqa cusub ee degmada Boosaaso loo soo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) halka ku-xigeenka degmadna loo soo magacaabay Qaasim Cabdiraxmaan Maxamuud (Caluuke). 

Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso oo ka koobnaa 29 xubnood waa la kala direy, wuxuuna Madaxweynuhu amar ku bixiyey in muddo 45 cisho gudahood ah lagu soo dhiso gole deegaan oo cusub. 

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Bari ayaa hadda kahor xilkaas soo qabtey isagoo sidoo kale soo noqdey maayerka magaalada Boosaaso. Dhedo wuxuu kamid yahay mas\’uuliyiinta sida weyn loogu ammaano inay waxqabad ka tageen muddaadii ay xilka hayeen.

Sidoo kale, maayerka cusub ee maanta lasoo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) ayaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Iskaashiga Caalamig ah  kasoo noqdey dowladdii AHN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. 

Xubno kale oo ay kamid yihiin taliyaha qaybta booliska gobolka Bari iyo sarkaaiil kale oo ka tirsan ciidamada ayaa la filayaa in maalinta berri ah xilka laga qaado kuwo cusubna lasoo magacaabo.

Isbeddellka Madaxweyne Gaas ku sameeyey maamulka gobolka Bari ayaa yimid kadib markii ammaanka Boosaaso soo xumaadey cabashooyin badan oo arrintaas la xiriirana ay soo gudbiyeen isimmada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu. 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com