Xasan Sheekh oo ku Baaqay in Al-shabab laga Nadiifyo Shabeelada Hoose

Arbaco, May 27, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay galinkii danbe booqdey saldhigyada Ciidammada dowladda ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmey qaar ka mid ah ciidammada degaannadaasi ka hawlgala.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirey u kuurgelid xaaladda ciidammada, dhiirigelin iyo bogaadin ku aaddan guulaha ay dhowaan ka soo hoyeen dagaallada ay la galeen cadowga Al Shabaab.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan jihaadka saxda oo ah mid aad dooneysaan inaad shacabkiina ku xorreysaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amrey in dhammaan ciidammada Xoogga Dalka ee dhowaan cadowga kaga adkaadey goobaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose la siiyo dalacsiin, daryeelkooda iyo baahidoodana mar walba la tixgeliyo.

“Waxay dowladdu diyaar u tahay inay baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmey ciidammada inay adkeeyaan, isla markaana dhowraan akhlaaqda iyo xeerarka ciidanka, oo uu sheegay inay muhiim u yihiin ka guul gaarista waajibaadka saaran.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga, S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Taliyaha Ciidammada Xoogga, S/Guuto Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare iyo mas’uuliyiin kale.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com