Isku socodkii gaadiidka ee gobolada Puntland oo hakad lagaliyay

Daadadkii ka soo rogmaday togoga mara gobolka Bari iyo deegaanada hoose yimaada ayaa daadku waxa uu kula tagay saddex gaari, waxaana laga soo badbaadiyey dadkii saarnaa gaadiidkaas sidda uu sheegay gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Abwaan.

waxaa lahakiyey isu socodka gaadiidka ee magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland.

Degaanada ay roobabka ka da’een waxaa kamid ahaa Degmada Eyl, Garacad, Dhinowda, iyo deegaano ku dhaw oo aan ilaa iyo haatan wax war ah laga haynin maadaam ay isgaarsiintu go’antahay.

24-kii saac ee la soo dhaafay roobabkii ka da’yey gobolada Puntland ayaa sababay in degaano ka mid ah gobolka Bari uu kusoo rogmado daadad xooggan.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com